Somaliya oo muddo 30 sano lahayn dawlad adag oo sharciga iyo kala damneynta soo celisa ayaa haddana dadkedu horumar ka sameeyeen meelo badan sida isgaarsiinta casriga ee internet-ku ugu horeeyo.
Waxay garaacday jabnida internet-ka wadamo leh dawlado dhisan lakin aadu musuq badan sida Kiiniya, Suudaan, Nayjeeriya, Koofur Afrika, Tuniisiya, Aljeeriya, Itoobiya iyo kuwo kale oo farabadan.
Waxay ku jirtaa kaalinta 7-baad Afrika. Internet-ka ayaa qayb weyn ka ah kobaca dhaqaalaha wadanka ayadoo baayacmushtar badan lagu dhamayn karo si fudud.
Haddaba guusha noocana sidee u arkaan dhalinta aadka u isticmaala internet-ka. Jabnida internetka waa keenaya dhaqaalaha dalka oo aad u hooseeya, waxana dhici karta in shirkadaha iibiya internet-ka ayna faaiido badan ka helin iibinteeda.
”Faaiido badan ayaa ku jirta waayo aniga oo kale waxaa bishii iiga baxda internet-ka ilaa 20 doolar haddana ma helo xawaare fiican oo aan ku shaqyn kari ayuu yiri Cali Dhoobane oo jooga Muqdisho.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay