Wasaarada beeraha ee dalka Somaliya ayaa ku dhawaaqdey xaalad degdega kadib markii uu khatar galay keydka cuntada ee dalka ee la sugaayay inay soo go’aan sanadka gaar ahaan bisha afraad.
Talaabadan ayaa timi markii AYAX aan hore loo arag uu si xun u cuney dalagii soo go’lihii sanadka guud ahaan geeska iyo bariga Afrika. Xaalada Somaliya ayaa ka sii adag ayadoo dhinaca amniga welli dawladu ayna gacanta ku haynin meelo badan oo mughiim u ah dalka.
AYAXAN ayaa faro ba’an ku haya wadamada jaarka sida Kiiniya, Itoobiya iyo Jabuuti waxana caadiyan uu soo kacaa xilliyada roobku da’o ee barwaaqadu taagan taha doog badana Jiro.
Wadamada jaarka ayaa iyagu qudhoodu la tacaalin sidii loogu baahnaa baaxada AYAXA jira awgeed. Nuur Cusmaan oo beeralay ah ayaa yiri sanado waxaan qodanaynay beerta laakiin roob ma jirin markii uu roob noo da’ay waxa noo yimi AYAX oo la filayo inuu ka yimi Yaman.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay