X

Somaliya oo ku dhawaaqdey xaalad deg-dega siiba gobolada Koofurta

Wasaarada beeraha Somaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg-dega kadib markii la sheegay in AYAXU soo laba kacleeyay oo ay soo kacday ugxantii ay ka tageen ayaixii hore ee burburiyay dalagyada beeraha iyo dhirta.


”Xaaladan ayaa lagu soo rogey gobolada Koofurta dalka taas oo ka dhigan in aagas u baahan yihiin in deg-deg loogu gurmado maadaama ay halis ugu jiraan weerarka AYAXA ayaa lagu yiri qoraal.

Hay’ada qaramada u qaabilsan beeraha iyo cuntada ayaa si ula kaca u joojisay adeegii ay siin jirey dalal y ku jirto Somaliuya ayadoo sheegtay inay jirto kharash la’aan, waxana talaabada Somaliya loo arkaa mid caawinaysa taas ayuu yiri Cali Calasow.


Hay’adan ayaa malaayiin doolar ku cunta hawlaha noocana, ayadoo lacagta badankeeda ay ku baxdo waxay ugu yeeraan saadka iyo misharada.

”Dabaylaha iyo roobka is wat waxay ku haboon yihiin korida AYAXA iyo faafidiisa ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada beeraha dalka.


Kiiniya ayaa iyadna ku doodeysa in AYAXU uga yimaado gobolada Koofurta ee ay weerarto had iyo jeer.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.