Kadib markii wasiirka arimaha dibedda Somaliya Dr C/raxmaan Beyle oo kaalin weyn ka qaatay deyn cafinta dalka uu sheegay in naadiga Baaris oo ay ku jiraan wadamo badan ay ka cafiyeen deyntii ay ku lahaayeen haddase dalku si degdega ugu baahan yahay in uu helo caawimo.
Caawimada uu wasiir Dr C/raxmaan dalbadey ayaa ku wajahan ka hortagida cudurka Kooro oo wasiirku sheegay inuu ka baqayo in dalku helo kiisas cusub RABI kuma keenee.
Somaliya ayaa xaq u leh inay hesho lacag ay hay’adaha dhiigmiiratada ah sida bangiga aduunka iyo kan lacagta aduunka u qoondeeyeen ka hortagida cudurka Kooro, lacagahaas oo ay dalbadeen wadamo ay ku jiran Bakistaan.
Ugu yaraan cudurkan ayaan dalku keligii ka hortagi karin sida aad ogtihiin wadamadii sheegan jirey inay weyn yihiin ayaa qaylo dhaan diraya, ayna gurmanayaan wadamo ka dhaqaale hooseeya.
Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa inta caawimadaas ay noqoto.
C/llaahi Wamooge
ARAABINEWS