X

Somaliya oo laga sugayo inay jawaab ka bixiso duulimaadyada Kiiniya xanibtey

Wasaarada duulista hawada ee Somaliya ayaa laga sugayaa inay jawaab ka bixiso kadib marjkii dawlada Kiiniya joojisay duulimayadii sida tooska ah uga degi jirey garoonka weyn ee magaalada Nayroobi. Warqad soo gaartey wasaarada duulista ayaa Kiiniya ku sheegtay inay joojisay dulimaadyadii tooska ahayd.


Dawlada Somaliya ayaa qabta in aanu jirin arin amni oo arintan lo qaaday laakiin ay jawaab ka bixin doonaan. Diyaaradaha Kiiniya ayaa si toosa uga dega Muqdisho.

Warqada soo gaartey wasaarada duulista ayaa sheegaysa in diyaaradaha ka yimaada Muqdisho lagu baari doono degmada Wajeer ee NFD kadibna u duuli doonaan Nayroobi taas oo ah cadaadis iyo gumeysi Kiiniyaatigu la rabo dadka Somaliyeed.


Talaabadan ayaa imaanaysa iyadoo xiriirka u dhexeeya Somaliya iyo Kiiniya uu marayo halkii ugu hooseysay iyadoo Kiiniya rabta in Somaliya u ogolaato in arinta badda si hoose lo dhameeyo. Waxay taageero ka haysataa Maraykanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.