X

Somaliya oo markii ugu horeysay yeelatay manhaj waxbarasho oo siman kadib burburka

Madaxweynaha Somaliya ayaa daah furey manhaj waxbarasho oo dawladiisu xooga saartey in dalku yeesho. Burburkii kadib waxa caruurteena loo dhigi jirey manhajyo ninkasta jeebkiisa kala soo baxay iyo dhaqano gaalo iyo kuwo Caraba.



Manhajka maanta madaxweynaha furey ayaa ah kii dugsiyada hoose iyo dhexe waxana soo socda kii dugsiyada sare. Dalka ayaa deg deg ugu baahan inuu caruurta soo koreysa ka qabto qurunka gaalada iyo dhaqamada Carabta ee sida xun dalka ugu faafay.



Inkastoo manhajkan ku jiraan waxyaabo badan oo la oran karo waa in laga saaraa haddana waa bilow hadhow la sixi karo. Madaxweynaha ayaa midana ku guulaystey inkastoo hore loo soo waday laakiin aan lagu guulaysan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.