Qaahira–Dawlada Somaliya ayaa qaylodhaan gaarsiisey barlamaanka carabta darbiga ay Kiiniya rabto in ay ka dhisato dhulka Somalidu degto ee Woqooyi bari Kiiniya. Kiniya ayaa ku andacoonaysa in darbigu ka celinayo argagixisada u soo talaabeysa inkastoo argagixisada badankeedu u nooshahay Kiiniya waxna ay ka qaban waydey.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah gudiga arimaha dibada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney la tageen shirka ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar qorshe cad oo ku saabsan dhismaha darbiga Kiiniya ee xuduuda Soomaaliya.
Xildhibaanada baarlamaanka carabta ayuu sheegay iney dood dheer ka yeesheen arintaasi ayna ka hor yimaadeen qorsha dowlada Kiiinya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay