X

Somaliya oo u yeertay safiirka Kiiniya u jooga Muqdisho

Kadib markii Kiiniya Kismaayo ka dejisay diyaarad aan soo marin Muqdisho sida sharcigu yahay ayaa Somaliya si dadban ugu cabatey haddase waxa si toosa loogu yeeray safiirkeeda Muqdisho.


Safiirka ayaa wasaarada arimaha dibedu u sheegtay in Kiiniya ku xadgudubtey sharciga hawada ee Somaliya siiba kii u dambeeyay ee ahaa in diyaaradii ku socota Kismaayo ama ka duuleysa ay soo marto Muqdisho.

Waxa la iska daayay diyaaradaha ka duulaya dalka gudihiisa sida tii ka timi Garoowe iyo Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa u haysta in Kiiniya siinayso aqoonsi.


Kiiniya ayaa sheegtay inay u soo direyso wefdi Somali u badan oo taageera Axmed madoobe oo aan ilaa hadda sheegin goorta uu qabsanayo iscaleemo saarkiisa.


Dawlada Somaliya ayaa diyaarisay guddi ka shaqaysa dib u heshiisiin si loo helo maamul loo dhan yahay oo Kismaayo leedahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.