X

Iiraan oo sheegtay cida ka dambeysa markabkeeda shidaal ee la qarxiyay

Dawlada Iiraan ayaa sheegtay cida ka dambeysa Markab saliid wada oo dalkeedu leeyahay oo maraayay meel aan ka fogeyn magaalada Jiddah ee Sacuudiga oo lagu weeraray laba gantaal oo is xiga.


Waxay sheegtay in shaqaalaha markabka saran ayna waxba noqon. Gantaalka lagu weeraray oo hadda baadhitaan ku socda ayaa ka yimi Sucuudiga oo marhore sheegay inuu aargoosanayo.

”Waxa noo cad in gantaalkani ka iman ilaalada badda ee Sucuudiga ee uu ka yimi argagixisada Wahaabiyada Sucuudigu taageerto ee Daacish ama Alqaacida ayaa lagu yiri war hordhaca.


Waxa shaki ku jirin in hubka noocana ay haysan karto oo kaliya ilaalida Sucuudiga iyo xulafadiisa Maraykanka. Wayna cadahay in gantaalkan ka yimi xulafada Sucuudiga ee Maraykanka, Yuhuuda iyo argagixiso loo dhiibey.

Iiraan ayaa sheegtay in saliid badan ka daadatey markabka taas oo keenaysa wasakh disha kaluun badan oo dadku cuni lahaa. Somaliya iyo Jabuuti oo u dhow gacankaas ayaa halis ugu jira in saliidaas soo gaarto.


Weerarkan cusub ayaa kor u sii kicinaya xiisada colaadeed ee Sucuudigu abuurey taas oo Iiraan ku kalifeysa inay aargoosato. Waxa keliya laga baqayaa waa aafada ka dhalan karta saliida ku daadata badda. Taram ayaa diidey inuu Sucuudiga u weeraro Iiraan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.