X

Somaliya oo war cusub ka soo saartey hargabka Shiinaha

Wasaarada caafimaadka ee dawlada Somaliya ayaa war cusub ka soo saartey cudurka sida xun aduunka ugu faafay ee hargabka Shiinaha ayadoo Talyaaniga noqdey wadanka hadda ugu badan marka laga soo tago Shiinaha. Talyaaniga ayaa dadka hadda qaba cudurkaas ay gaaraysa 80 qof.


Wasaarada Caafimaadka ee dawlada dhexe ee Soomaliya waxay xaqiijinaysaa in aysan jirin ilaa iyo haatan qatar la xiriirta cudurka mana jirto qof isagoo aan soo marin hab raacyada lagu hubiyo cudurka ama laga shakisan yahay oo dalka soo galay.

Muwaadiniinta iyo ajaanibta la xaqiijiyey inay ka badqabaan cudurka ee soo galay dalka waxay Wasaarada Caafimaadka la socotaa xaaladohooda waxayna marisay hab raaca diiwan galinta iyo xaqiijinta faya qabkooda.


Waxay ka digtey in xogta cudurkaas laga soo qaato meelkale oo aan ka ahayn wasaarada caafimaadka. Ma sheegin in la sameeyay goobo takoorid ah maadaama dalku iska furan yahay. Somaliya ayaa RABI cuduro halisa sida Iboola oo welli dalka ay joogaan Afrikaan Ka yimi dhul cudurkaas Ka dilaacay.

Dhinaca kale wadamo badan oo Somalidu Ku nooshahay ayaa cudurkan soo galay Imaaraadka, iyo Iiraan oo hadda farakulul Ku hayo. Turkiga ayaa sheegay inay xireen dhamaan dadka dalku la wadaago Iiraan la joojiyayna diyaaradaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.