X

Khasaare ka dhashay weerar lagu qaaday gobolka Oromada

Wararka ka imanaya magaalada Ambo ee gobolka Oromada ayaa sheegaysa in weerar lagu qaaday isku soo bax lagu taageeraayay raiisal wasaare Cabi Axmed. Weerarka ayaa ahaa mid bambaano loo adeegsaday.


Xiisada gobolka Oromada dhexdeeda ayaa walaac ku abuurtey dhamaan Muslimiinta dalkaasi ayadoo loolanka ay isku haystaan Cabi Axmed iyo Jawar Maxamed oo loo malaynayo inuu haysto codka ugu badan.

Loolanka labada nin ayaa ku salaysan siyaasada dalka siiba urur cusub oo Cabi Axmed uga guurey kii xasuuqa badnaa ee Tigreega. Waxase walaac uu Jawar Maxamed ka muujiyay dastuurnidaamka dalku qaadayo.


Weerarkan ayaa booliisku sheegay inay qabteen rag looga shikisan yahay inay ka dambeeyeen bambaanada. Waxa dhimashadu maraysaa ilaa 29 qof.

Lama garan karo cida ka dambeysa inay Oromo tahay iyo inay tahay Tigreega rabba inuu ka faaiideysto isku dhaca Oromada.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.