Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Sucuudiga laga leeyahay ee Al-Carabiya ayaa diirada saaray shirkada Imaaraadka ee Dp World ee shaqaysa dhiiga Somalida.
Shirkadan ayaan si rasmi ah looga eryin dalka waxayna si ixtiraam la’aana ku joogtaa dekedda Berbera. Qorshaha ay Berbera ku joogto ayaa ujeedadiisu tahay inay maalgeliso gooni goosatada, waxana qorshaheeda laga soo diyaariyay dalka Ingiriiaska.
Wasiirka ayaa waraysiga ku sheegay in joogitaanka shirkadaas ee dekedaha Berbera iyo Boosaaso uu yahay mid sharci daro ah.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in DP World ay khatar weyn-gelisay midnimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku xad-gudubtay dalkeena.
Wasiir Axmed Ciise Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay marar badan u samirtay shirkaddaasi, balse haatan wixii ka dambeeya ay diyaar u tahay dowladda Soomaaliyeed inay dalka ka difaacdo shirkadda DP World.
“Shirkadda DP-world way na xumaysay, waxayna khatar gelisay midnimada dalkeenna, welina ma joojin faragelinteedii, waan sabirnay, sabirkuna xad ayuu leeyahay; waxaan diyaar u nahay in aan ka difaacno dalkeenna, si la mid ah cidkasta.”ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad.
Ma sheegin xilligan dalku doorasho isku diyaarinayo sida ay uga jawaabi doonaan ayadoo aan ognahay in maamulka Somalilaan uuna ku taagan lugo aan weynayn.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS