X

Somaliya way bixin kartaa deymaha lagu leeyahay: QORMO

Waxaan markasta maqalaa Somaliya ayaa gaartey heerkii deynta looga cafin lahaa. Dawlada iyo xukuumada madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali ayaa guul ka gaaray inay dawladihii deynta lahaa ka dhaadhiciyaan inay deynta cafiyaan. Waxaad arkaysaa dawlado iyagu sheegaya inay deyntii cafiyaan halka kuwo kalana sheegayaan inay bixiyeen deymaha lagu lahaa.


Ujeedada dhamaan dawladahaas sheegay inay  bixinayaan deynta dalka ayaa ah in dalka DIHAN ay  qaybtooda
ka helaan, taas oo uga badan lacagta ay dalka ku leeyihiin.

Dabcan deymaha dalku qaatey ayaa si wanaagsan loo maamulay waana tii la ogaa sumcadda dalku ku lahaa aduunka. Somaliya ayaa lahayd caafimaad iyo waxbarasho bilaasha oo ahaa laba meelood oo aad muhiima Laguna Fargo horumarka dalka.


Burburka kadib waxa dadka badbaadiyay intii yarayd ee ka baxay jaamacadaha dalka iyo intii dibedda loo direy.

Haddaba Somaliya ma u baahan tahay in deymo laga bixiyo mise way awoodaa inay iska bixiso.

Xaalada dalku ku sugan yahay oo gaaladu gaarsiisay heer ayna is xukumin karin argagiisana la dagaalami karin maadaama cunaqabatayn ay saaran tahay ma urursan karto dhaqaalaha dalku u baahan yahay. Waana ta qasabtey inay raacaan wadada gaaladu u dhigtey ee deyn cafinta si ay u helaan deyn kale oo dalka ku wadaan.


Waxase shaki ku jirin in dalku isku filan yahay oo haddi uu dhisto ciidankiisa helana hogaamiye CAQLI LEH in dalku deymahaas ku bixin karo muddo kooban waayo kheyraadka dalka yaala ayaan oolin dalalka kale ayuu qabaa Cali Calasow.

Hees dhaxalgala

Isku soo duub dalku uma baahna inuu baryo dalal kale si deynta u bixiyaanlaakiin xaalada hadda ayaa ka dhigeysa labada dhinacba(gaalada deynta cafinaysa) iyo dawladaba mid u fiican.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.