X

Soo jeedin laga keenay falkii wuxuushnimada ahaa ee lo gaystey Xamdi

Waxa markii ugu horeysay soo jeedin laga keenay fal aan siyaasad shaqo ku lahayn ahna kii wuxuushnimada ahaa ee Muqdisho loogu gaystey Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd 19 jir ka qalinjebisay dugsiga sare. Ilaa hadda kiiskeeda ma cada halka uu ku socdo.


”Waa cajiib mar haddii golahan ay ka soo baxeen dad damqanaya ayuu yiri Cali Calasow. Waxase soo jeedinta diidey inay hore u socoto gudoonka barlamaanka oo dalbadey in guddi loo saaro.

Xamdi Maxamed Faarax ayaa kufsi dabadeed laga soo tuurey dabaqa dheer. Waxana eheladu sheegeen in dadkii ay ku soo dhuldhacdey ay markhaati yihiin. Kooxda dambi baarayaasha ayaa lagu eedeeyay inay rabaan inay hoos hoos wax u wadaan ayagoo durba sii daayay rag hore loo qabtey.


”Dhamaan way saxiixeen xildhibaanada golaha soo jeedintaas ayuu yiri Cabdi Shire oo ka mida xildhibaanada soo jeedinta keenay.

Kiiskaan ayaa loo sugayaa waxana shacabka iyo eheladu dalbanayaan in QOORTA loo dheereeyo raggi falkan wuxuushnimada ah ku kacay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.