Maxamed Nuur wuxuu ahaa askari booliisa oo muddo aan badneyn u shaqaynaayay booliiska dalkaasi Maraykanka gaar ahaan gobolka Somalidu ku badan tahay ee Miniyabolis. Askarigan oo noqdey ninkii ugu horeeyay ee booliisa ee xukun ku dhaco ayaa lagu helay dilka haweenay u dhalatey dalkaasi Ustaraaliya.
Haweenayda ayaa xilliga uu toogasho ku diley waxay la joogtey askari kale oo booliisa maadaama ay iyadu wacdey booliiska oo sida sheegtay ay goobta ka jireen wax u eg kufsi.
Maxamed Nuur oo ka mid ahaa askarta iyagu ku baxay u yeerida haweenayda ayaa dacwadiisa ku sheegay inuu moodey in jaalehiisa uu khatar ku jiro, sidaasna rasaasta u furey.
Maxamed Nuur oo gacmaha ka xiran ayaa loo dhaadhiciyay jeelka halkaas oo uu ku dhamaysan doono xarifa lagu xukumey. Haweenaydan ayaa toogasho ku diley sanadii 2017.
Radhiid Ceelaanyo
ARAABINEWS