X

Soomaali lagu xidhey Masar iyo warar ka soo baxaya

Ciidanka ilaalada xuduudaha dalkaasi Masar ayaa xabsiga u taxaabay dhalinyaro Soomaali ah oo dhamaantood ah rag kadib markii ay soo sheegeen dad reer baadiye ah oo ku sugan xadka Masar iyo Liibiya. Dhalintan jeelka loo taxaabay ayaa ku socday Liibiya halkaas oo ay rabeen inay ka sii tahriibaan.


Mid Ka mida dhalintaas oo isagu ka haray ayaa sheegay in ninkii waday ee muqaliska ahaa iyo iyagaba la qabtey inteyna ka gudbin xadka Masar. Xadka Masar iyo Liibiya ayaa ah saxare lagu gubtey.

Waxa wiilkan dhalinyarada ah intaas Ku daray in hadda ay Ku xiran yihiin dhamaantood magaalada Aswaan ee dalkaasi Masar.


Safaalada Soomaaliya ee Masar ayaa lagu eedeeyay inayna ka daba tagin dhalintan naftooda halaagayay ee isku tuuraya badda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.