X

Soomaaliya ma xorbaa mise waa la haystaa inkastoo aan ku faraxno madaxda dalka

Soomaaliya sidey burburka iskugu ridey 28 sano kadib ma haysato dawlad adag oo dhexe. Waxa lagala dagaalamaa inay lugaheeda isku taagto, inkastoo Somalida hami cusub uu galo marka la doorto madax cusub haddana hamigaasi markaasba wuu burburaa. Haddaba waxaad is weydiin kartaa Somaliya miyaa la haystaa mise waa xor.


Waxaan u kala qaadaynaa laba arimood waa ta horee madaxda la doorto awooda ay leeyihiin iyo tamarta dawladnimo ee dhisan iyo mida ka soo horjeeda.

Madaxda soo maray burburka kadib:

Ma odhan karno dalka waxa soo maray madax tayo leh sodonkaa sano ee burburka, hadday soo mari lahaydna Somaliya halkaan ma joogteen, inkastoo ay jireen 10 sano oo argagixiso ah iyo 10 sano oo hogaamiye jufeedyo, una badnaa magaalada Muqdisho.


Duulaanka labaad ee dalka lagu soo qaaday wuxuu ahaa midkii loogu ogolaaday in askata Afrikaanka ah loo sii muddo dheereeyo halkii la dhisi lahaa ciidan Somaliyeed oo tayo leh.

Waxa horumar laga sameeyay tayaynta ciidanka 3-dii sanno ee u dambeeyay.

Culeyska siyaasadeed ee jaarka iyo reer galbeedka


Weerarka labaad ee dalka lagu soo qaaday wuxuu ahaa in wax loo dhimay qaranimada dalka markii dastuurkii qaranka daaqada laga tuurey ayadoo la isticmaalay madaxa fashila oo uu horkacaayay Shariif sh Axmed,  kadibna jamhuuriyada loo bixiyay magac cusub.

Isku soo duubaa Soomaaliya waa dal dhinacna la haysto dhinacbna Soomaalidu iska haysato maadaama madaxda soo baxaysa ayna tayo lahayn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.