X

Maxaa ka runa in budhcad badeeda Somalidu u guurtey xeebaha Nayjeeriya

Sida laga soo xigtey ninka dalkaasi musuqa badan ee Nayjeeriya u qaabilsan arimaha badda Bashiir Jamoo ayaa sheegay in budhcad badeeda Somalidu u soo guurtey xeebaha dalkaasi oo hadda wax ka afduubtaan halkaasi. Ma sheegin markab laga qafaashay.


Wuxuuse arintan sheegay isagoo faahfaahin mar ay la kulmeen qunsulka dalkaasi Kuuriya u fadhiya Nayjeeriya iyo safiirka la soo magacaabay ee dalkaasi Beljim oo kala hadlay xaalada badda ee dalkaasi iyo ganacsiga.

”Waxaan ogaaney xiriir ka dhexeeya dembiyada ka dhaca badaya iyo budhcad badeedka Somalida oo hadda halkan u soo guurey. Waxay haystaan awood ay uga soo baxaan xeebaha Somaliya kuna yimaadaan badayada.


”Mararka qaarkood waxay waxay ka soo galaan dhinaca lugta kadibna waxay u gudbaan badda. Taliyahan ayaan haba yaraatee soo bandhigin wax cadayna, waxayna u muuqataa inuu mishkiladaha dalkiisa ku weecinayo Somali aan ogeynba.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.