X

Sucuudiga oo 5 dil ku xukumaya dilkii Jamaal Khashowqi iyo Turkiga oo ka yaabay

Sucuudiga ayaa 5 dil ku xukumaya dilkii Jamaal Khashowqi iyo Turkiga oo ka yaabay sida Sucuudigu wax u wado. Qareenka Sucuudiga u qaabilsan dilkii Jamaal ayaa markale eeda ka duway gacan ku dhiigle Maxamed Salmaan.


Wuxuu sheegay in 5 nin oo ka mida kuwii ay u soo direen dilka Jamaal ay ku xukumi doonaan dil toogasho oo uu ku jiro nin madow ah oo ahaa ku xigeenka sirdonka dalkaasi.

Aduunka ayaa hore u ogaa in ninkaas madow oo lagu magacaabo Axmed Al-assiri lagu weecin doono dilkii foosha xumaa ee Jamaal Khashowqi loogu gaystey Istaanbuul.


Qareenka Sucuudiga ayaa diidey inuu sheego halka meydka Jamaal yaalo isagoo welli sheegaya in Turki loo dhiibey. Turkiga oo ka jawaabayay hadalka qareenka ayaa la yaabay warbixinta qareenka Sucuudiga, sheegayna haddii 5 la xukumayo 7-da kale waxa loo sii daayay.

Wuxuu dalbadey in la sheego cida amartey dilka oo ay cadahay inay tahay gacanku dhiigle Maxamed Salmaan.


Wasiirka arimaha dibedda ee Turkiga ayaa sheegay in go’aanka lagu jarjaray jirka Jamaal in aan la gaarin xilliga dilku dhacayay ee lagala yimi Sucuudiga, taas oo muujinaysa in ay jirto cid amarka bixisay.

Wuxuuna sheegay in ay keeneen qalabkii lagu jarjari lahaa. Turkiga ayaa aduunka la wadaagey maqalka dilkii foosha xumaa ee Jamaal.

Sucuudiga ayaa aduunka muslimka ku faafiya diin qaldan, ayagoo dhinaca kale maalgeliya argagixisada. Wasiirka ayaa sheegay intee lSucuudigu ku jiri doonaa QARIN.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.