X

Somaliya oo dalbatey in Imaaraadka laga qaado talaabo sharciya

Somaliya ayaa dalbatey in Imaaraadka laga qaado talaabo sharciya kadib markii qaraar uu hogaaminaayo Ingiriisku lagu giijiyay cunaqabataynta hubka iyo dhuxusha ee saaraan dalka. Qaraar uu hogaaminaayo isla Ingiriiska ayaa iyadna cunaqabataynta looga qaadey Eriteriya.


Dhinaca kale Danjiraha Somaliya u jooga xarunta Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan ayaa gudbiyay codsiga ku saabsan xadgudubka Imaaraadku ku hayso Somaliya.


Danjiruhu waxa uu tilmaamay inay Imaaraadka hub geliyaan maamulka Muuse Biixi iyagoo Saldhig Milliteri ka dhisaya magaalladda Berbera, taasi oo uu xusay inay xad-gudub ku tahay Madax-banaanida dhuleed ee Somaliya.

Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa Berbera ka dhisaya saldhig ay uga duulaan Yaman oo uu kala dhexeeyo dagaal diimeed iyaga u gaara.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.