Dawlada Sucuudiga ayaa beeniyay war ka soo baxay dawlada Iiraan oo lagu sheegay in diyaaradaha Sucuudiga ee dagaalka kula Jira Shiicada Yaman ay duqeyn ka gaysteen safaarada Iiraan ku leedahay Sanca. Lama hubo in safaarada shaqaale joogo iyadoo safaaradaha badankoodu ka baxay dalka markii Sucuudigu bilaabey duqeynta dalka.
Iiraan ayaa sheegtay in duqeyntaa Sucuudigu gaystey ay ku dhaawaceen nin waardiye ka ahaa safaarada waxayna sheegtay in ay arinta gayn doonto QM dacwadna ka furi doonto.
Sucuudiga ayaa markiiba la tashaday xulafa Yuhuuda iyo Maraykanka sheegayna in warkaasi been yahay o ayna jirin safaarad diyaaradaha Sucuudigu duqeeyay. Dadka ku nool caasimada Sanca ee Sucuudigu nolosha ku dhibey ayaa iyaguna sheegay in ayna jirin duqeyn loo gaystey safaarada.
Sucuudiga ayaa ka biyo diidey Shiicada Xuutiyiinta reer Yaman ee xukunka qabsatay kuna eedeeyua IIiraan in ay ka dambeyso halka la ogyahay in loolanku u dhexeeyo Koofurta Yaman iyo Woqooyiga oo Sanca caasimad u tahay sidaana Xuutiyiintu ku yimaadeen.
Iiraan ma soo bandhigin herka duqeyntu gaarsiisan tahay waxana la baqayaa in Iiraan garaacdo Sucuudiga haddii arintu sii xumaato.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay