X

Sucuudiga oo dhabar jabin ku bilaabay Somaliya una leexday Itoobiya

Sucuudiga ayaa dhaba jabin ku bilaabay Somaliya una leexday Itoobiya. Somaliya ayaa diidey in ay dhinac la safato urur diimeedyada akhwaanka iyo Salafiyiinta ee kala xukuma Qadar iyo Sucuudiga.

Ganacsade Xaamid Al-Jadcaan oo u waraysi siiyay wargayska wuxuu  sheegay  in Maalgashadayaal badan ay u wareegayaan itoobiya si ay kor ugu qaadaan xiriirka sucuudiga ee ganacsi iyo maalgashi ee dhinaca Xoolaha, kulamo hor u dhac ahna  la galay si heshiisyo loo kala saxiixdo loona kordhiyo dhoofka xoolaha ee itoobiya.

Wuxuu caddeeyey inay tahay waxyaalaha soo jiidashada keenaya inay tahay inay xoolaha Itoobiya u egyihiin kuwa Soomaaliya.Waxaa kale oo sheegay in xoolaha itoobiya kasoo baxaya ay toos u soo gaarayaan sucuudiga ayaga oo aan soo marin Maxjarka Jabuuti sidii waagii hore ahaan jirtay.



“Maxjarka Jabuuti Neefka wuxuu ka qaadi jiray $9 ilaa $10 intaa waxaa dheeraa Cowska iyo wixii kale oo kharash ah oo ay xooluhu u baahdaan, wuxuu gaari jiray kharashka raacaya $12 – $13, hadeerse ka dib furitaanka Maxjarka itoobiya wuxuu kharashku hoos u dhacay 50%. Waxaana la ogolaaday Maxjarada itoobiya 2 bilood ka hor” ayuu yiri Ganacsade Xaamid



“Xoolaha itoobiya  waxay  dhanyihiin 40 Malyan oo neef, waana xoolo aad u fiican, sicirkooduna aad u macquul uyahay, gaar ahaan Maxjaradaan markii la furay oo laga maarmay kuwii Jabuuti”

Axmed Baxaafid oo  ah nin maalqabeen ah kana ganacsada xoolaha Wuxuu sheegay in maal-qabeenno badan oo Sucuudiyaan ah halkaas ka furteen Mashaariic badan sida (Naaxinta Xoolaha iyo Kawaanno) waxayna ka mid yihiin mashaariicda ugu waaweyn Qaaradda Afrika, itoobiya waxay u dhoofisaa Sucuudiga, Masar, Imaaraatka, Jabouti, Urdun.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.