X

Wasiirka beeraha dawlada Somaliya oo ka digey cuntooyin dalka la soo geliyay

Wasiirka beeraha dawlada Somaliya ayaa ka digey cuntooyin dalka la soo geliyay xilli dalku aanu lahayn dawlad taama oo qashin kasta lagu tijaabiyo lagana keeno wadamo tayada cuntooyinkooda, iyo waxay sameeyaan aad u liidato.

iyadoo dalal ka tirsan Caalamka la ogaaday in la galiyay Bariis Caag ah kaasoo halis ku ah nolosha ayaa la xaqiijiyay in gudaha Magaalada Muqdisho Bariiskaasi lasoo galiyay waxaana si degdeg ah kaga hadashay Xukuumada Somalia.



Bariiskaan Caaga ah ayaa la sheegay Ganacsato dhiigya cab ah in ay kasoo dajiyeen Dekadda magaalada Muqdisho kadibna lasoo galiyay gudaha magaalada.

Wasiirka Beeraha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka war heleen bariiska Caaga ah ee Muqdisho lasoo galiyay tilaabo degdeg ahna ay ka qaadi doonaan dadkii bariiskaasi magaalada soo dajiyay.



Sidoo kale Wasiirka Beeraha ee Xukuumada Somalia ayaa sheegay in Magaalada lasoo galiyay doolsho ama keek ka sameysan waxyaabo macmal ah sida koolada isagoo shacabka Soomaaliyeed digniin u diray waxaana uu kula taliyay in ay iska hubiyaan waxa ay cunayaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.