X

Sucuudiga oo dib u soo celiyay markab xoolo oo ka tagey Berbera iyo ujeedada

Sucuudiga ayaa dib u soo celiyay markab xoolo sida oo ka yimi Berbera. Markabka ayaan wadan ruqsada wasaarada xanaanada xoolaha ee dawlada dhexe ee Somaliya. Tani ayaa dhabarjab ku ah maamulka Somaliland oo hore u oran jirey waxaan wax ku dhoofinaa magaca Somaliland.

Sucuudiga ayaa u muuqda inuu iska nacay inuu la macaamulo maamulo oo xooluhu ugu yimaadaan si sharciya ka wasaarad ilaa wasaarad.

Maamulka Somaliland oo codsi u gudbiyay Imaaraadka kana codsaday in uu kala hadlo Sucuudiga ayaa loo sheegay in ayna waxba qaban karin.


Tan ugu daran ayaa ah xoolo dhaqatadii loo sheegay in xoolahodu gudbayaan.

Masuul u hadley Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland warqad ruqsada ka soo qaadanay dawlada dhexe oo xoolaha u dhoofin doonaan dalal kale oo uuna sheegin laakiin uu ku rajo weyn yahay in xal laga gaaro.


Dhaawac weyn ayaa na soo gaaray ayuu yiri. Siyaasiyiinta Somaliland ayaa og in waxkasta laga dhameeyo dawlada dhexe laakiin saxaafada loo sheego inay xor yihiin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.