X

Argagixisada oo haweenay ku qarxiyay Dhuusamareeb

Calooshood u shaqaysteyaasha kooxda gaalaynta Muslimiinta ayaa haweenay shaah ku iibisa maqaaxi ku taal Dhuusamareeb ku qarxiyay. Dad goob joogeyaala ayaa sheegay in dhiigmiiratadu miinada ku aaseen maqaaxida oo ciid horteeda ka buuxdo.


Waxa haweenayda la dhaawacmey ilaa 5 kale oo ahaa dadkii goobta ka shaahayay. Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen qarax Miino oo lagu dhex qariyay Gasax Caana-boodhe ah oo la dhigay meel u dhow Saldhiga Booliska degmada Dhuusamareeb.


Dhuusamareeb ayaa waxa ka dhacaya shirka dib u heshiisiinta beelaha ku nool gobolkaas oo ilaa hadda aan haysan maamul saxa oo laysku halayn karo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.