X

Sucuudiga oo diyaarad caawima ah keenay Muqdisho: SAWIRO

Sucuudiga ayaa diyaarad caawima ah keenay Muqdisho. Maxamed Cabdalla Almaajid oo ka mid ahaa wafdigii ka socoday dalka Sucuudiga oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay deeqdaasi dawada ah.



“Anagoo tixraacayna amarkii uu bixiyaya Malik Salmaan,ee Sucuudiya iyo Naa’ibkiisa in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo gar gaarka ay u baahan yihiin,waxaa maanta timid  diyaarad sida gar gaar dawo ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed,berina waxaa imaandoonta ilaa 3 diyaaradood oo gar gaar ah,”Xamdda Cabdalla.



“Waxaan halkani ku soo dhaweynaynaa wafdi ka socda Maliku Salmaan alkhayriyah,Waxaan uga mahadcelinaynaa dowladda Sucuudiga,gar gaarkan ay ina soo gaarsiisay,waxaan leenahay ku soo dhawaada dalkiina labaad,sidoo kale waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay isaga xilsaareen gar gaarka caafimaad oo ay u fidiyeen dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo lagu soo daweeyey, sida Yuusuf Cabdi iyo Maxamed Yuusuf, oo 6b bilood ka ay ku dhaawacmeen qarax Muqdisho ka dhacay,” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gargaarka

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.