X

Sucuudiga oo fasaxay barnaamijyada hadalka (wicida) ee Whatsapp, Skype iyo kuwa kalaba

Sucuudiga ayaa fasaxay barnaamijyada hadalka (wicida) ee Whatsapp, Skype iyo kuwa kalaba. Wadamada Khaliijka Carabta ayaa ah wadamada kaliya ee iska joojiyay wicida bilaa lacagta ah.

Shirkadaha waaweyn ee dawladu leedahay ee dalkaasi ayaa iyagu xanibey wicida bilaa lacagta ah ee barnaamijyada whatsapp, Skype iyo kuwa kale, waxana ka soo gasha boqolaal kun oo doolar oo ay ka qaataan dadka ajaanibta ah ee u shaqeeya.



Sucuudiga oo ka baqaya in saliidu dhamaato amaba  yaraado dakhligii ka soo galayay ayaa raba in uu furfuro dhaqaalaha saxaafada iyo isgaarsiinta si dalku ula jaanqaado dalalka caalamka.

Talaabadan ayaa laga yaabaa in ay ku daydaan wadamada kale ee Khaliijka ay kuwa wada jiraan oo inta badan iyaguna xaniba.  Waxa Sucuudigu xanibaada laga qaadayaa caawa saqdhexe ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaarada isgaarsinta.



Hadaad joogto wadamadaas Khaliijka ayaa waxaan ku suurtogalayn in aad ku hadasho Whatsapp, Skype iyo barnaamijyada kale ee noocana waaadse diri kartaa fariimo taas oo ka dhigan in dalalkani xanibi Karin barnaamijyada noocana.



Wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa hadda hoos ahaan loogu ogolaadey in la baadho dadka ay ka shikiyaan fariimaha ay isku dirayaan ee ay marinayaan barnaamijyada whatsapp iwm.

Talaabadan ayaa wax badan ka bedeli doonta isgaarsiinta dadka ka xoogsada Carabta Khaliijka siiba Sucuudiga iyo dadka jooga dalalka ay ka yimaadeen.

Barnaamijyadan wicida bilaa lacagta ayaa dhib u keenay qoysaska masayrsan ee Carabta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.