November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Iranian protestors set fire to the Saudi Arabia embassy in Tehran, Iran, on January 2, 2016. Protesters have stormed the Saudi embassy building in the Iranian capital of Tehran early Sunday amid backlash over the execution of a prominent Shiite cleric. Flammable substance was seen thrown at the building as protests gained steam over the execution of Sheikh Nimr al-Nimr. Reports states, protesters taking down a Saudi flag and burned the building. EPA/MOHAMMAD REZA NADIMI

Sucuudiga oo ka carooday wixii lagu sameeyay safaaradooda Tehran xiriirkiina u jaray IIraan

Xiriirka u dhexeeya Sucuudiga oo Shiicada la dagaalamaya iyo IIraan ayaa si fiican u xumaaday wuxuuna Sucuudigu sheegay in uu xiriirkii u jaray Tehraan kadib markii la gubey kadibna la bililiqaeystay safaaradoodii.

Wasiirka arimaha dibedda ee Sucuudiga ayaa u sheegay safiirada Iiraan ka jooga Sucuudiga in ay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood ah wuxuuna dalbadey in safiirkoodu ku soo noqdo Riyaad.

Xiriirka Sucuudiga iyo IIraan ayaa xumaaday markii Sucuudigu weerar ku qaaday Yaman si uu u burburiyo xukunka dadka reer Yaman ee ka soo horjeeday madaxweynihii Koofurta Yaman ee gooni goosadka ah.

Waxa taasi ka daray in Sucuudiga oo adeegsanaya argagixisada uu taageero ee Daacish ay weeraro ka gaysteen masaajidada Shiicada ee ku yaala Sucuudiga.

Waxana u dambeysay dilkii uu Sucuudigu u gaystey wadaad necbaa xukunka boqortooyada dhaxalka ah ee Sucuudiga laguna magacaabi jirey Sheekh Numir oo loo dilay isagoo Shiico ahaa.

Sucuudiga ayaa isku dayay in uu xulafo samaysto ka dhana Iiraan wuxuuna helay kaliya akhwaan muslimiinka Turkiga xukuma ee Erdogaan. Lama filayo in xiriirkoodu fiicnaado waayo colaada uu Sucuudigu u qabo Shiicada ayaa ka weyn tan uu qabo ku garaaca ee dila carabta ee Yuhuuda iyo Maraykanka.

Sucuudiga ayaa wax weyn ka gaystey xukun ka tuuristii Sadaam Xuseen oo carab Sunni ahaa hadana wuxuu barakiciyay kumanaan Sunni ah oo reer Siiriya ah oo isku shubey badda iyo Yurub mana jirto wax caawimo iyo dib u dejin uu u sameeyay.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS