X

Sucuudiga oo kaarbadka ka laabay masjidka Xaramka

Ayadoo cudurka Kooro uu sii udagalayo Sucuudiga ayaa Sucuudigu hore u xirey dhamaan masaajida si loo yareeyo faafida cudurka inkastoo welli uu ogoyahay in lagu tukado gudaha Xaramka iyo masjidka rasuulkeena CSW ee Madiina laakiin aanu ogoleyn in daarada lagu tukado.


Waxaa la laabay kaarbadka dhulka yaala ee masjidka Xaramka ayadoo la yaraynayo in meel qof qaba cudurka uu ku nefsaday uu qof bad qaba kaga daba tukado. Waxa sidoo kale lala daba taagan yahay nadaafad dheeraada, ayada oo la shaqaaleeyay in ka badan 450 shaqaale.

Dadka ilaa laga helay cudurka Kooro ayaa gaaraya 590 ayadoo ay sii kordhayaan.


Bandoo

Sucuudiga ayaa sheegay in dalku bandoo ku jiro laga bilaabo xilliga dadku dibeda u soo baxaan ee fiidkii 7 ilaa 6 subaxnimo maadaama maalintii kuleyl xoogan jiro.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.