X

Iiraan oo eriday dhaqaatiir sheegtay inayna xuduud lahayn

Dawlada Iiraana ayaa sheegtay inay dalkeeda ka saartey dhaqaatiir sheegtay inayna xuduud lahayn loona soo gaabiyo magacooda MSF kana soo jeeda dalkaasi Faransiiska. Dhaqaatiirtan ayaa soo jeediyay in la dhiso isbitaal lagu daaweeeyo dadka qaba cudurka hargabka ee Kooro.


”Way mahadsan yihiin laakiin hadda ma hayno baahi aan ugu baahanaha isbitaal ay noo dhisaan ajaanib sida MSF oo kale ayuu yiri wasiirka caafimaadka.

Iiraan ayaa hore u diidey kaalmo uu Taram ugu deeqay ayagoo sheegay inayna waxba uga baahneyn ee uu qaado cunaqabatayntiisa. Wuxuu rabay xagjir Taram inuu noo keeno daawo dhacdey oo nagu haysa hargabka Kooro.


Iiraan ayaa ah dalka labaad ee ugu badan dhinaca dhimashada cudurka hargabka Shiinaha oo hadda aduunka oo dhan bilaabay inuu xanibo socodka dadka.

Hay’adaha reer galbeedka sida MSF aoo jooga dalkeena ayaan la aqoon waxay qabtaan intooda badana waa basaasiin. Iiraan ayaa leh waxba kama duwanaTaram.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.