X

Sucuudiga oo ku faanay in ciqaabta la saaro mid ka weyn uu saari doono

Sucuudiga ayaa ku faanay in ciqaabta la saaro mid ka weyn uu saari doono kadib jawaab uu ka bixiyay hadalkii saaxiibkooda Trump oo isagu yir waxa sugaya ciqaab weyn haday run noqoto inay dileen.


Trump iyo reer ghalbeedka ayaa raba inay talaabo ciriiri gelin ah laakiin istusa ay ka qaataan falka Sucuudigu ku xasuuqey suxufi Kashooqi oo ilaa aan la hayn meydkiisa.

Sucuudiga ayaa saaxiibada u hadhey caalamka Muslimka durba lacago u qaybiyay una calaacalay kuna yiri hadla oo i taageera sida Baxrayn, Cumaan, iyo Imaaraadka.

Waxase jira in muslimiinta xorta badankoodu ka yaqyaqsoodeen ayna taageeri doonin falkaas foosha xun ee ay kula kaeen nin suxufi oo fikirkiisa u xora.

Waxa nasiib daro noqon doona haddi Farmaajo taageero.


Si kastaba ha ahaatee Sucuudiga ayaa raba in uu Turkigu ka badbaadiyo cawaaqib xumo ayago dhinaca kale Trump ka baryaaya in markan uu la safto.

Maaha markii ugu horeysay ee ay xasuuqaan dadkooda. Wahaabiyada Sucuudiga ayaa ummada Muslimka ku haysa burburin iyagoo ku dhex faafiya diin qaldan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.