X

Sucuudiga oo Maraykanka siiyay 100 milyan oo lagu aamusiinaayo xasuuqi Kashooqi

Sucuudiga ayaa Maraykanka siiyay 100 milyan oo lagu aamusiinaayo xasuuqi Kashooqi. Lacagtan oo lagu sheegay in lagu siiyay dagaalka uu Maraykanku u wado wahaabiyada ee lagu bururinaayo Siiriya.


Lacagtan shalay ayaa loo gudbiyay Maraykanka. Isla shalay ayaa la maqlay Trump oo leh Sucuudigu dambi toosa kuma laha xasuuqii Kasooqi oo lagu diley qunsuliyada Sucuudiga ee Turkiga kadibna jirkiisa qurub qurub loo jarjaray.

Sucuudiga ayaa sheegay in uu qunsulkii Turkiga shaqadii ka eryay isagoo raba inuu eeda saaro. Dhinaca kale baaritaankii Turkidu sameeyeen ayaa la ogaadey in Kashooqi lagu dhex xasuuqey qolka qunsulka kadibna muusig la daartey.


Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa diyaarinaya qiilkii ay uga saari lahaayen Sucuudiga xasuuqa Kashooqi ayadoo ayna dhacayn in TrumpĀ  cunaqabatayn saaro taas oo ah munaafaqadii awal lagu yaqaaney.

Waa lacag badan ayna qarin kari waayeen ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Maraykanka

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.