12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sucuudiga oo miisaaniyad dhan 64 bilyan u qorsheeyay madadaalada maxaa ku kalifay

Sucuudiga ayaa miisaaniyad dhan 64 bilyan u qorsheeyay madadaalada ayagoo ka guuraya wahaabiyada una guuraya diinta saxda ee Islaamka ee dhexdhexaadka ah.



Sucuudiga ayaa dunida Muslimka ah ku faafiya madhab xagjira sida in dumarka loo geliyo kaliya cabaayad madow inkastoo hadda Sheekh ka tirsan gudiga culimada ee madaxtooyada uu sheegay in taasi dhaqan tahay.



Magaalo u dhow caasimada Riyaad ayaa laga dhisayaa magaalo dhan oo madadaalada loogu talogalay si dadka cabudhsan ee dalku nafis u helaan.

Boqorka da’da yar ayaa balan qaadey inuu sharciga kala soo noqon doono xagjirka uu gacanta u galay, wacadna ku maray inuu Sucuudiga ka dhigo sidii uu ahaa todobaatanaadkii wixii ka horeeyay.



Haweenka ayaa loo ogolaan doonaa in gawaarida kexeeyaan bilaha soo socda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS