X

Sucuudiga oo baqdin soo wajahday oo sheegay inuu wadahadal la furey Xuutiyiinta

Sucuudiga oo arkey sida loo galay saliida uu ku faafiyo dhaqanka foosha xun ee Carabta kadib markii Xuutiyiintu dhulka dhigeen goobaha ugu weyn ee sifeeya saliidooda ayaa baqdin awgeed sheegay inuu wadahadal la galayo.


Baqdintan aya timi markii xagjir Taram oo uu isku halaynaayay shegay inuuna dagaal la galayn Iiraan ee kaliya uu u hayo inuu hub ka iibiyo ayna garanayn Sucuudiyiintu suda loogu dagaalamo.

Waxa halkaana ka soo gaaray dhaqaale xumo foolxun oo aafaysay dhalinta ku nool Sucuudiga oo hadda iskui shubaya Yurub iyo woqooyiga Amerika si ay nolol xora u helaan.


”Waxa ku fashil ku yimi siyaasadii Iiraan nacaybka ee wahaabiyada Sucuudigu faafin jirtey muddada ayadoo adeegsanaysa wadaadada wadamada fiqiirka ah sida Somaliya ayuu yiri Xuseen Warsame.

Inkastoo haweenkeena marada madow iyo wejiduubka u xireen waxay welli maalgeliyaan argagixisada aafaysay wadamada Muslimiinta ayuu raaciyay.


Afhayeen is qariyay ayaa sheegay in ay jirtey khad muddo la ilaaway oo u furnaa iyaga iyo Xuutiyiinta haddana aan dib boodhka uga jafayno ayuu yiri. Xuutiyiinta ayaa iyagu sheegay inay diyaar u yihiin in la dhameeyo dagaalka si dadka Yaman ee rafaadsan u helaan nolol.


Si kastaba wadahadalkan ayaa imaanaya kadib markii looga adkaadey dagaalka, haddana ay kala jabeen kuwii Cadan joogey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.