X

Sucuudiga oo soo kireystay calooshood u shaqaystayaal Suudaaniis ah oo uga dagaalama Yaman

Sucuudiga ayaa soo kireystay calooshood u shaqaystayaal Suudaaniis ah oo uga dagaalama Yaman. Suudaantan oo dhaqtarkoodu qaato kun doolar askariguna boqol doolar ayaa caruur ka dagaalami jirtey gobolka Daarfuur soo kireystay.

Sida lagu arkey goobaha dagaalka iyo calooshood u shaqaystayaal ay qabteen ciidanka Yaman ayaa daboolka ka qaadey sababta keentay Yaman oo ah dal fiqiira oo dagaal ay kula jiraan.


Waxay sheegeen in lacagtu halkan keentay midkiina la siiyo 500 oo doolar oo ah lacag ayna weligoodna heleen haddii ay joogi lahaayeen Suudaan oo hadda ay ka jirto sicir barar kii ugu xumaa.


Sucuudiga oo askarta u dagaalanta ay ku jiraan Maraykan ayaa awoodi waayay inuu sii wado lacagta uu siiyo askarta Maraykanka ee taangiyuada iyo diyaaradaha uga shaqaysa iyo weliba kuwa haga gantaalada lagu weeraro Yaman, waana tan ku kaliftey inuu calooshood u shaqaystayaasha Suudaanta keensado ayaa lagu sheegay warbixin laga naxay.


”Dagaalkan marhore ayay ku jabi lahaayeen Wahaabiyada hadaan Yuhuuda iyo Maraykanku joogin oo ayna hageyn dagaalka ayuu yiri nin khibrad u leh Sucuudiga.

”Waxa la iska horeysiiyaa Suudaantan ayuu yiri waayo askarta Sucuudiga iyo kuwa Imaaraadku ma geli karaan xaga hore.


Wahaabiyada ayaa dagaal u gooniya oo balaayiin doolar kaga baxdey ku qabsan weyday Yaman, Maraykankuna ma rabo inuu kordhiyo hawsha hadda uu qabto ee uu kaga qaato balaayiinta doolar ayuu yiri khabiirkani.

”Waa nasiib daro in Suudaantan iyo kuwa kale ee Afrika sidaa lo adeegsado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.