X

Sucuudiga oo xasuuqii ugu xumaa u gaystey Yaman oo fiqiira dhimashadu waa 100 maxaabiisa

Diyaaradaha Sucuudiga ee ay u wadaan Maraykanka ama Yuhuudu ayaa duqeeyay xabsi ku yaala dalkaasi Yaman ee fiqiirka ah waxayna ku xasuuqeen in ka badan 100 maxaabiisa. Dhaawaca ayaa gaaraya 200.


Maaha markii ugu horeysay Wahaabiyada Sucuudigu xasuuqdo maxaabiis. Sanadii 2016 ayay ahayd markii xabsi ku yaala Xudeyda ay ku xasuuqdey maxaabiis sugaya xukun oo garaya 58 kuna marmarsootey inay ahayd goob ciidan.


Wahaabiyada ayaa diin u gaara kula dagaalamaysa Xuutiyiinta Yaman xukuma oo ka adkaadey inkastoo ay u soo kaxaysteen gaalo oo dhan. Gaalada ayaa bixisa sirta ciidanka Yaman halka diyaaraduhuna toogtaan isla goobtaan.

Waxa ka sii daran in isla goobtaas laba mar la garaaco si dadkii ka badbaadey iyo kuwa u gurmadeyba ay u dhintaan. ”Waxaan faqaynaa ciida bal inaan wax nool helno ayuu yiri sarkaal u hadley bisha cas rajaduse ma fiicna.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.