X

Xisbulah oo sheegtay inay gubtey taangi Yuhuudu leedahay

Ururka xooga weyn ee ka dhisan Lubnaan ee Xisbulah ayaa sheegay inay gantaal lidka taangiga ah ku weerareen ciidan Yuhuuda ah oo jooga xadka waxna ka badbaadin askartii saarnaa taangigaas. Yuhuuda ayaa sheegtay in gantaal ku dhacay gaari gurmadka oo ciidanku leeyahay.


Weerarka Xisbulah qaaday ayaa imanaysa ayadoo Yuhuudu kibir awgeed diyaaradaha aan la wadin ku soo werartay Lubnaan soona gashay hawada dalkaasi. Madaxweynaha Lubnaan ayaa sheegay in dalkaasu is difaacayo.

Yuhuuda ayaa fartey dadka u dhow xadka inay dhufeysyada ku cararaan inkastoo war markii dambe ay soo saareen ay ku sheegeen in israsaasayntii xadku dhamaatey.


Yuhuuda ayaa og inayna ka dheefayn Xisbulah oo hadda sii xoojiyay awoodooda is difaac iyo tan weerarba oo hadda Talafiif uu toos u garaacayo gantaalaheeda aan la celin Karin.

Yuhuuda iyo Maraykanka ayaa baryahaaba isku diyaarinaayay dagaal ay la galaan Iiraan waxayna ogaadeen inay faraha kaga guban doonaan halka Yuhuudu xooga saartey sidii ay Xisbulah uga adkaan lahayd.


Si kastaba ha ahaatee gantaalaha lidka taangiga ee Xisbulah ayaa ka dhigaya talaabo ay qaado Yuhuudu mid ay dib u cararto. Yuhuuda ayaa dhinaca kale gubtey dhul keyna oo ku yaala xadka labada dal.

Sawirka hoose waa goobta uu ku dhacay gantaalkii Xisbulah oo burburiyay taangi Yuhuudu leedahay

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.