Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya dalkaasi Suudaan oo shalay ciidanku xukunka ka qaadeen madaxweynihii dalkaasi Cumar Xasan Al-bashiir ayaa waxa welli socda banaanbaxyada lagu doonayo isbedel buuxa. Kooxda qaban qaabinaysa banaanbaxa ayaa diidey inay maqlaan amarka iyo kala dambeynta.
Golaha askarta ee xukunka la wareegay ayaan welli soo bandhigin qorshe cad oo lagu helayo hogaan cusub aan ka ahayn inay samayn doonaan xilwareejin laba sano kadib.
Kooxdan wada banaanbaxyada ayaan la garanayn intey awood leeyihiin inkastoo ay ku mideysan yihiin hal shay oo ah in dawlada dhan la bedeli taasina ayna macquul ahayn oo ah kaliya jahwareer aan xikmad ku dhisneyn
Waxa kooxdan ka dambeeya wadamada Ingiriiska, Suxuudiga iyo Maraykanka oo isku xulafo ah.
Waxa la sugaa waa talaabada xigta ee uu qaado milatariga dalka haysta ee lagu nastey, haddii kooxahan banaanbaxaya joojin waayaan rabshadaha si dalku caadi ugu soo noqdo.
Hawada dalkaasi ayaa maanta dib loo furey waxase welli xiran xadka dalju la,wadaago dalalka jaarka ah oo dhan.
Rashiid Ceelaanyi
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay