November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Suuqyare uu nin Muslim ah leeyahay kuna yaala Faransiiska oo la amrey arin yaable

Suuqyare lagu iibiyo maciishadaha kala duwan kuna taal xaafad ka tirsan caasimada Faransiiska ee Baariis ayaa lagu amrey arin yaable haddii kalena loo sheegay in laga xirayo tukaanka.

Suuqan oo lagu magacaabo Good Price wuxuu ku yaal xaafada Colombes oo ka tirsan caasimada Baariis wuxuna iibiyaa inta badan maciishadaha kala duwan ee ayna ku jirin khamriga iyo doofaarka.

Waxase dhacday in gudoomiyaha xaafada uu u yimi ninka iska leh tukaanka una sheegay in uu iibiya ama uu kala duwo maciishada uu iibinayo kuna daro khamriga iyo hilibka doofaarka.

Waxa loo sheegay in aanu bulshada guud si isku mida ugu adeegayn.

Suuqyarahan ayaa lagu iibiyaa sida diinteenu ina farayso maciishada xalaasha ah ama diinteenu ogoshahay, waxayse xaafadu ku doodeysaa in heshiisku dhigayo in cuntooyin iyo cabitaano kala duwan ama caam ah lagu iibiyo.

Xaafada tukaanku ku yaalo ayaa sheegaysa in sidaas loogu saxiixay in uu ku furto…Waxase ninka tukaanka leh isna ku doodayaa in uu u adeegayo macaamiishiisa oo qudha, soona dhigayo waxay jecelyihiin ee isna lacag ka helayo.

Gudoomiyaha xaafada ayaa sheegay in ay hadda u socdaan sidii ninkan looga saari lahaa tukaanka oo degmadu iska leedahay qiimo jabana looga kireeyay.

Waa markii ugu horeysay ee Faransiiska ay ka soo baxaan sharciyo ka fog dimoqraadiyada iyo xoriyada inkastoo marar badan la arkey sharciyo diidan dhaqanada Muslimiinta waxase kuwaas diida maxkamadaha dalka oo u hiiliya dhibanaha.

Faransiiska ayaa waxa ka dhacay falal diinta ka baxsan oo ay gaysteen Muslimiin dalku martigeliyay, falalkaas oo keenay in sharciyo badan la soo rogo.

Magaca tukaankan weyn ayaa ah magac aanu lahayn ninka Muslim ka ah laakiin uu yahay magac uu ku kireystay tukaanka. Taas oo keenaysa in dadkii hore wax uga iibsan jirey tukaankan ay hadda ka waayaan wixii ay uga barteen.

Dacwada ayaa la filayaa in ay socoto in muddo ah.

BBvhrq3[2]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS