November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Suuriya oo baacsatey diyaarad Yuhuuda leedahay soona ridey gantaal

Suuriya ayaa dhulka soo dhigtey gantaalo ka yimi Yuhuuda oo ay ka soo rideen diyaaradaha Maraykanku siiyay ee loo yaqaan F-16 oo Suuriya ka soo weeraray dhinaca hawada Lubnaan. Muuqaal cajiiba ayaa muujinaya sida Yuhuuda loo baacsadey, ayagoo ku qasabtey Yuhuuda inay gantaalo soo tuuraan.



Diyaarada Yuhuuda oo baxsad ayaa la sheegay inay dirqi kaga baxsatey gantaalaha laga rido gaadhiga carsiga ah ee isku jira ee Pantsira.



Waa markii ugu horeysay oo Yuhuudu tijaabiso gantaalaha Ruushku siiyay Suuriya ee hilfaha u qaadaya diyaarad dambe oo soo gasha hawada Suuriya, waxay kentay orid deg dega.

”Waxaan hilfaha u qaadney diyaarad Yuhuudu leedahay oo isku daydey inay soo weerarto gantaalaha yaala Woqooyiga Dimishiq, waxayna ku sigatey waxyar, ayaa lagu yiri war qoraala oo ka soo baxay difaaca Suuriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS