Ciidanka lidka diyaaradaha ee dalkaasi Suuriya ayaa dhulka soo dhigey gantaalo ka yimi Yuhuuda, kuwaas oo ay ku waday raadaaro ciidanka cirka ee u yaala xad beenaadka u dhexeeya Suuriya ito Yuhuuda.
Suuriya ayaa dib u xoreysay aaga u dhow buuraha Golan e Yuhuuda marhore ka qabsatey. Aagaas ayaa waxa Suuriya dib uga xoreysay argagixusada Nusra ee Yuhuuda taageerto.
Yuhuudu waxay tijaabinaysay in raadaaradu noo shaqaynayaan iyo in kale ayaa lagu yiri hadal kooban oo ka,soo baxay wasaarada difaaxa Suuriya.
Yuhuuda ayaa isku dayaysa inay jabiso ama qalqaliso awooda raadaarada Suuriya oo ah kuwa ugu xoogan Carabta wayse ku fashilmeen.
Maaha markii ugu horeysay ee Yuhuuda oo haysata hubkii ugu dambeeyay Maraykanka ay weeraraan Suuriya. Awal ma sheegan jirin hadase way sheegtaan maadaama Suuriya ay adkaysay difaaceeda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay