X

Taalibaanku waa mashruuc Maraykan wato: Hogaamiyaha Jejniya Khadiiroof

Hogaamiyaha gobolkiisa Jejniya ee Ruushka sida xoogan u dhisay ee Khadiiroof oo ka hadlay argagixisada gacanta loo geliyay Afqaanistaan ayaa sheegay inay yihiin mashruuc Maraykanku wato.


”Maraykanku wuxuu la yimi bug kale oo ka dhana Muslimiinta, waxay yiraaheen weligayo kama baxayno Afqaanistaan haddana waa qulquleen ayagoo cidkasta ka cararay ayuu yiri Khadiiroof. Bal fiiri sanado badan waxa ku dhimanaayay kumanaan, shan sano kahor waxa durba dhintey 2 milyan oo qof ayuu raaciyay.


”Marka waa mashruuc Maraykanku wato wuxuuna uga digey Muslimiinta inay aaminaan waayo waxay la mid yihiin Alqaacidadi uu Maraykanku kharash-garayn jirey dagaalkii midowga Soofeeti.


Waxaan u sheegayaa reer Usbakistaan, Tajikistaan, Kirgistaan iyo Turkimistaan inay u diyaar garoobaan inay difaacdaan diintooda. Anaga dhib naguma hayaan oo hilfaha ayaan u qaadaynaa ayuu yiri Khadiiroof oo isagu la heshiiyay Ruushka sidaana ku soo af-jaray dagaalkii lagu burburey gobolkiisa.

Hadda Jejniya waxa ku yaala masaajida ugu quruxda badan kamana jiraan kooxaha xagjirka ee diinta af-duuntey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.