20/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Tahriibayaal ka baxay Somaliya oo ku dhintey xeebaha dalka burburey ee Yaman: SAWIRO

Tahriibayaal ka baxay Somaliya ayaa ku dhintey xeebaha dalka burburey ee Yaman. Ugu yaraan 46 qof oo tahriibayaal oo ku sodey Yaman ayaa doontii la gadoontey.




Dadkan ayaa u eg kuwo aan waxba ka ogeyn xaalada dalka burburey ee Yaman. Waxa sidoo kale isla doontaan laga soo badbaadiyay 16 qof oo kale.

Doontan dadka saaran ayaa dhamaantood ahaayeen Itoobiyaan.

Dadka mashaqadan ka badbaaday ayaa sheegay in doontu ay saarnaayeen 100 qof oo ay ka soo qaaday dekada magaaladda Boosaaso.




Masaakiintan ku haligmey doonta ayaa la sheegayaa inay dhamaantood ahaayeen dad Itoobiyaan oo aan waxba kala socon xaalada dalka Yaman.

Dad ka mid ah kuwa doonta saarnaa ayaan wadan jaakadaha badda looga badbaado, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah dadka badbaaday.




Hay’ada socdaalka soo galootiga ayaa iyaduna sheegtay ayaa ku waramaysa in doontan ay degtay maalinkii Arbacada, dadka ku dhamaadayna waxaa ka mid ah dumar gaarayay sagaal qof, raguna waxay ahaayeen 37 iyo caruur.

 

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS