Tahriibayaal Somali ku jirto ayaa xaalad xun laga soo badbaadiyay badda u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga.
Tahriibayaasha ayaa isugu jirey Somali, Siiriyaan iyo Suudaani sida lagu sheegay warbixinta. Sida laga soo xigtay ilaalada badda dadkaani ayaa doonaayay in ay si sharci daro ah ku galaan Qaaradda yurub, waxaana la sheegay in Muddo dhowr Saacadood ah ay dhex jireen Badda.
Ilaalada xuduudaha ayaa cunto iyo biyo ugu deeqay dadka la badbaadiyey, iyadoo dhowr saacadood ka dib ay si nabadgelyo ah ugu degeen dekedda magaalada Chios waxaana lagu wareejiyey mas’uuliyiinta Giriigga.
Tan iyo bilawgii sanadkaan, ilaalada xuduudaha Giriiga waxay badbaadiyeen, in ka badan 1,300 oo dad ah oo dhibaato ku haysta doomaha yaryar.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
.
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay