12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo xoog looga dejiyay markab badbaadiyay: SAWIRO

Tahriibayaal Somali ku jirto ayaa xoog looga dejiyay markab badbaadiyay. Markabka oo ku xirnaa dekeda caasimada Liibiya ayaa tahriibeyaashu diideen inay ka degaan oo dib loogu gumeysto Liibiya oo ay markii hore ka tageen.



Gumeysiga ugu xun ayaa ka jira Liibiya oo burburtey oo dhaqaale raadistka loogu geysto kufsi iyo jirdil ayagoo kolba magafe loo geeyo.

Tahriibeyaasha ayaa sheegay in la garaacay markii markabka laga dejinaayay oo qaarkood la dhigey isbitaal ay xukunto maleeshiyada ka talisa caasimada.



”Waxaan rabnaa in aan gumeysi nalagu celin ayay ku qayliyeen oo aan dib naloo kufsan, ma hayno wax nagu haray ayay haweenay ka timi Eriteriya oo xoog lagu dejiyay.

Somalida ka cararaysa maamul xumada iyo burburka dalka ayaa naftooda halis ku geliya badda u fdhaxaysa Carabta iyo Yurub.



Markabka ayaa dekedda joogey 12 cisho ayadoo qaar ka mida dadkii saarnaa oo gaarayay 78 qof ay iskood uga degeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS