X

Taliska asluubta oo ka hadley siyaasi xabsi ka baxsadey

Dhawaan ayay ahayd markii booliiska Somaliya sheegay in siyaasi Cabdi Janan oo ka tirsanaa maamulkii hore ee Axmed Madoobe uu ka baxsaday xabsi ku yaal Muqdisho. Siyaasiga ayaan la sheegin halka uu markii hore ku xirnaa.


Masuul u hadley taliska asluubta ama jeelasha ee dawlada Somaliya ayaa iska fogeeyay in siyaasigaas lagu xirey jeelasha uu ka masuul yahay. Wuxuuna dalbadey in la saxo warka inta aan la faafin.


Cabdi Janan ayaa lagu haystaa inuu gaystey xad-gudubyo ka dhana Bani aadamka oo ay ku jirto dilal uu fuliyay inkastoo aan la soo taagin maxkamad laakiin la doonayay in la qabto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.