Taliska xooga dalka ayaa soo bandhigey argagixiso la soo qabtey. Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu baahiyay Sawirrada ragga ka tirsan Shabaab ee Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ay sheegeen in ay ku soo qabteen howlgalka gaarka ah.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa wuxuu sheegay howlgalkan inuu si gaar ah uga dhacay degaanada kala ah Daniga, Basro, Jambaluul, Buulo Barwaaqo iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay holwgalkan in lagu dilay Dagaalamayaal kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay Ciidamada xoogga dalka in ay garab ka helayaan Ciidamo Mareykan ah.
Tan iyo markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab ayaa waxaa muuqata in ay dardar ku socdaan Howlgalada Shabaab looga saarayo dalka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS





Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay