10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Taliyaha booliiska oo diidey laaluush kii ugu xumaa oo Ingiriisku ula yimi

Wararka aan ka helayno teendhooyinka Xalane ee ay degan yihiin safaarado ku sheega shisheeya ee ah kuwa qasaya dalka ayaa sheegaya in taliyaha booliiska Somaliyeed uu diidey laaluushkii ugu xumaa oo ay hordhigtey safiirada Ingiriiska.



Xogtan aan ka helnay teendhooyinka Xalane ayaa sheegaya in taliye Xajar loo sheegay haddii uu la safto Rooble Baahane si fiican loo abaal marin doono una daayo hawlaha qaska ee ay wadaan. Taliyaha oo ku gudajira hawshiisa aan dhinacna raacsanayn ee qaranka ayaa si cad u diidey musuqaa cad sheegayna in isaga u oolin siyaasad ayuu yiri Cali Calasow oo xogtan soo akhriyay.



Rooble Baahane ayaa waraaq ay kooxda Xalane soo qortey ku sheegay caawa saqdhexe inuu si toosa u farogeliyay guddiga doorashada oo ahayd inay xor ahaadaan markii labaad, ayadoo doorkii hore looga aamusay.



Kooxda Xalane oo si toosa u qasaayay dalka afartii sanno ee madaxweyne Farmaajo xukunka dalka hayay ayaa awoodooda iskugu geeyay sidii aanu dalka ugu soo noqon, waxay hadda ku fadhiyaan kuraasta gobolka Geddo.




”Waa halka keliya ee ay ka soo galayaan dalka waa sida hadda ay rabaan waayo haddii madaxweynuhu soo noqdo, weyna arkayaan inuu soo noqonayee waxay isku dayayaan inay qasaan intii ay karaan, waxayna haystaan cid u fulisa go’aamadooda ayuu raaciyaya Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS