Xalay ayay ahayd markii rasaas laga maqlay meel aan ka fogeyn saldhiga booliiska ee magaalada Boorama. Waxana jirey warar iska hor imaanaya oo sheegaya cida rasaastaas ridey. Taliska booliiska ayaa iyagu sheegay inay ahaayeen dhalinyaro 7 ah halka dad kalana sheegeen in rasaasta booliisku ridey.
Taliyaha ayaa carabaabay inuu garanayo haybta dhalinyarada rasaasta soo ridey oo loo maleeyay inuu u jeedo Makaahiil ama Jibriil Yoonis oo odayaal si xaqdaro ah ugu jiraan jeelka.
“Waxa xiisada ka taagan gobolka ka masuula fadhiid Saylici ayuu yiri Xuseen Warsame ayadoo ilaa hadda aan waxba laga qaban badhasaabkii caayay diinta oo Muuse Biixi si qabiilaysan ula saftey ayuu qabaa Xuseen Warsame.
Si kastaba ha ahaatee xiisadaha is biirsaday ayaa keeni karta in cadho xoogan Ka dhalato qaasatan badhasaabka diinta caayay oo ilaa hadda lagu hayo gobolka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS