Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Cali Gaab ayaa faahfaahiyay sida qaraxii saaka lagu quraacdey uu waxyeelo u soo gaarsiiyay dadka iyo ciidanka booliiska.
Subaxnimadii hore ee Saaka waxa magaalada Muqdisho ka dhacay laba qarax oo goob kala duwan ka dhacay balse waxa ugu qasaaro badnaa qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay goob laga shaaho oo ku taala Xarunta Gaadiidka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo saraakiil boliis ay ku dhinteen.
Inta la Og yahay waxaa Qaraxa ku Geeriyooday ilaa 4 Qof oo uu ku jiro Qofkii waday Gaariga Qarxay.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka banaadir Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa sheegay in Dadka dhintay ay ku jiraan Saddex Sargaal oo ka tirsan Booliska Soomaaliya,waxaana uu Xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa Ismiidaamin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay